5 Ciraaqiyiin ah iyo qof u dhashey Yemen oo Visiyaasha barnaamijka qaxootiga Maraykanka watey oo New York laga celiyey

0
287

New York(INO) – Shan Ciraaqiyiin ah iyo hal qof oo u dhashey dalka Yemen oo ahaa rakaab diyaarad laga leeyahay dalka Masar (Egypt Air) soona cagadhigatey garoonka weyn ee JF Kennedy ee magaalada New York ayaa dib loogu celiyey meelihii ay ka yimaadeen, taas oo ka qeyb ah amarkii Madaxweynaha Mareykanka Trump uu ku joojiyay gabi ahaanba visayaasha iyo qaxootiga 7 dal oo ay ciraaq iyo Yemen ka mid yihiin.

Trump ayaa jimcihii hakiyey muddo 4 bilood ah qaabilaadda qaxootigii dalkiisa imaanaaya, waxaana uu si kumeel gaar ah u joojiyay gabi ahaanba qaabilaadda qaxootiga 7 dal oo Soomaaliya ay kamid tahay, talaabadaasi ayuu Trump ku sheegay in  ay tahay mid shacabka Mareykanka looga ilaalinaayo weerarada dhanka argagixisada uga imaan kara.

Lixda rakoob oo dib looga celiyey garoonka John F. Kennedy, lana socdey EgyptAir Flight Number 985 ayaa la sheegayaa in ay wadeen dal ku gal sax ah oo waaxda socdaalka Mareykanku bixisey.

Shanta qofood ee u dhashey dalka ciraaq ayaa transmit ku soo marey magaalada Erbil ee dalka Ciraaq halka rakaabka u dhashey dalka Yemen  laga soo qaadey magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ayaa xanibey fiisayaasha dadka ka soo jeeda dalalka Syria, Somalia, Ciraaq, Iraan, Sudan, Libya, iyo Yemen ee doonaaya in ay Mareykanka yimaadaan muddo 90 cisho ah, isagoo ku micneeyey in maamulkiisu uu u baahan yahay waqti uu u kala saaro dadka qaxootiga ah, kuwa green cards ku yimaada iyo dalxiisayaasha kale.

Nin u hadley Hay’adda Qaxootiga ee Qaramadda Midoobey ayaa sheegay, in aysan iyagu weli ogeyn haddii lixda qofood ee dib loo soo celiyey ay wateen dal ku gal la xiriira barnaamijka qaxootiga Maraykanka (US Refugee Programme) iyo in kale.

Source:Reuters