Sablaale(INO)- Nuur Ibraahin Cali, Guddoomiyaha Degmada Sablaale ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxuu xaqiijiyay in haraad iyo gaajo darteed ay u geeriyoodeen hooyo iyo labo caruur ah.
Guddoomiye Nuur ayaa waxuu sheegay in qoyskan ay ka barakaceen Degmada Sablaale, kuna sii jeedeen Degmada Baraawe ee Gobolka Sh.Hoose, balse dhex ay ku dhinteen.
Isagoo hadalkiis sii wata ayaa Guddoomiyaha waxuu tilmaamay in cudaro ay ka dilaaceen Degmada Sablaale, kuwaasi oo haatan ay la ildaran yihiin qaar ka mid ah Dadka halkaasi ku dhaqan.
Qeybo ka mid ah Degaanada Gobolka Sh.Hoose waxaa ka jira abaaro xoogan oo saameyn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada halkaasi ku dhaqan, iyadoo Guddiga Abaaraha ay ku dhawaaqeen todobaadkii la soo dhaafay in ay gargaar bini’aadanimo ay geyn doonaan Degaanada ay abaaraha ku dhufteen.
Hoos ka Dhageyso Codka.
Idale News Online, Muqdisho