Kooxda Daacish oo Duleedka Qandala ka Afduubtay Dad Shacab ah

0
173

Qandala–(INO)–Sida ay baahisay Idaacadda VOA Dagaalameyaal ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan Gobolka Bari ayaa Gaari Rakaab ah oo ku siijeeday Magaalada Qandala kala degay Dad Rayid ah oo Qandala u socday.

Gaari Rakaab ah oo ka baxay Magaalada Boosaaso oo ku siijeeday Qandala islamarkaana ay saarnaayeen illaa 16 Qof ayaa 9 kamid ah waxaa la dagey Dagaalameyaal ka tirsan Daacish.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Shan kamid ah Dadkii lala degay oo ahaa Ciidamo ka tirsan Puntland ay ka baxsadeen Kooxdii ka tirsaneyd Daacish,balse ay hadda Gacanta ku hayaan Afar kamid ah Dadkii ay la dageen oo uu ku jiro Nin Oday ah.