Dhageyso: AUN Marxuum Malaaq Xasan Buulle Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Muqdisho

0
182

Muqdisho (INO)—AUN waxaa maanta Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiino ee Magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Malaaq Xasan Buulle Cabdulle, kaasi oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa 135-ta Oday dhaqameed ee soo xulay Xubnihii Baarlamaanka 9-aad ee Dalka, tallona ku la haa dhisida Baarlamaanka 10-aad ee Dalka.

Malaaq Deeroow Yacquub Sheekh oo ah Afhyeenka Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa geerida marxuumka u xaqiijiyay IdaleNews.com, isagoona tacsi u diray elahada uu ka baxay marxuumkaasi.

Afhayeenka ayaa waxuu tilmaamay AUN Marxuum Malaaq Xasan Buulle in uu ku dhashay Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool, islamarkaana ku soo barbaaray Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Waa Malaaqii 3-aad oo ka mid ah 135-ta Oday dhaqameed oo geeridiisa ay sabab u noqotay Weerarkii mas’uuliyadiisa ay sheegteen Xarakada Al Shabaab oo maalin ka hor lagu qaaday Hoteelka Dayax ee bartamaha Magaalada Muqdisho.