Kenya oo ka hadashay weerarkii saakay lagu qaaday xero militari oo ay ku lahaayeen Kulbiyoow

0
172

Kulbiyow(INO) – Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab weerar safmar ah subaxnimadii hore ee saakay ku qaadeen saldhig militari oo ay ciidamadooda ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Laakiin dhinaca kale dowlada Kenya waxaa ay beenisay sheegashada Al-shabaab ee ah in weerarka ku dileen tiro ka badan 50 askari oo ka mid ahaa ciidamada Kenya ee saldhiga ku sugnaa.

Afhayeenka ciidamada Kenya Lieutenant Colonel Paul Njuguna ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay jiraan ciidamo looga dilay weerarka, laakiin waxaa meesha ka saaray in askarta goobta ku dhimatay gaarayaan 50 askari.

Waxaa uu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sidoo kale qaraxyada, waxaana uu intaa ku darray in ay iska caabiyeen Al-Shabaab laakiin ay jiraan khasaare soo gaaray ciidamadooda.

Sanadkii ina dhaafay ayeey Al-shabaab sidan oo kale weerar culus ku qaadeen saldhig militari oo ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo, waxaana weerarkaa lagu dilay tiro ku dhawaad 200 oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya.

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkii saakay ku qabasadeen hub iyo saanad ciidan, sidoo kalana la wareegeen gacan ku heyta xerrada militari.

Ugu danbeyntii, ilaa iyo hada ma jiraan ilo wareedyo ka madaxbnaan labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka Kulbiyoow oo noqonaya kii labaad khasaare ballaaran lagu gaarsiiyo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Idale News Online, Kulbiyow