Danjire Michael Keating: Doorashada Soomaaliya waa inay ahaato xaq iyo xor

0
190

Muqdisho(INO)- Michael Keating oo ah ergayga xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in cawaaqib xun uu mudan doono madaxweynihii musuq lagu doorto Soomaaliya.

Michael Keating ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ee bisha danbe dhici doonta ay noqoto mid ku dhacda si xor iyo xaq ah oo aan lahayn musuqmaasuq.

Wuxuu ku goodiyay in beesha caalamku ay tillaabo ka qaadi doonto madaxweynihii kursiga xaq darro ku qaata.

‘Waxaa muhiim ah in doorashadu u muujinayso Soomaalida sida awoodu u shaqeyso. Waxa ay saashada ka arkaana muhiim maahan inay jeclaadaan. Ma eedeyn kartid doorashada laakiin nasiib darro musuqmaasuq Soomaaliya wuu ka jiraa’. Sidaa ayuu yiri.

‘Waxaa jira walwal ka dhashay doorashadii xubnaha baarlamaanka ee codadka lagu kala iibsanayay balse waa muhiim in nidaamka doorashadu iminka noqdo mid xor ah oo xaq ah. Dabcan cawaaqib xun ayaa musuqa ka imaan kara laakiin anagu dhexdhexaad ayaan ka nahay’. Intaana waa uu raaciyay Michael Keating.

“Waxa aanu leenahay waxaa weeye hadii loo arko in madaxweynaha sharci darro lagu soo doortay cawaaqibku waa rabitaanka ama awooda beesha caalamku kula shaqeyn karto madaxweynahaas’.

Goodigaan ayaa imanaya ayadoo dhawaan ay isdiiwaan galiyeen dhowr murashax oo u tartamaya madaxweynenimo walow murashaxiintu iminka ay gaarayaan dhowr iyo labaatan.