Dhageyso:Xildhibaan Xasan Black ” Xildhibaanada KGS Ee Waday Mooshinka Waa 14 Qof”

0
251

Baydhabo (INO) –  Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf ( Xasan Black) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee aan wadin mooshinka Xilka Looga Tuuraayo Madaxweyanaha Lagu Eedaayey Xil Gudusho la’aanta iyo dantiis Raadsashada Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Sheegay in Xildhibaanada wada Mooshinka ay dhan yihin 14 Mudane kuwaasoo Sida uu hadalka u dhigey mar marka qaar  ay talamayaan.

”  Xaqiiqdii  waan  ognahay arintaas, laakin waxaas waxay u eg yihiin hanjabaad, qofkii mooshin wada ha imaado Magaalada Baydhabo, mida kale Ee aan xaqiijin rabo ayaa waxay tahay oo ay sheegeen in ay dhan yihiin 80 mudane, runtii waxaas waxba kama jiro, ragga mooshin wada waa 14 qof , waxaan haaya cadeyn cod ah oo duuban ” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Black.

Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf ( Xasan Black) ayaa ku tilmaamey Mudanayaasha Wada Mooshinka Gariiriyey Laabta Madaxweyanaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh iyo Taagyeeriyaashiisa;

” Waa 14 qofood oo raadinaya Nawliga Diyaarada, ma ahan kuwo raadinaya ma siirka umadda Koonfur Galbeed Soomaaliya, hadii ay mooshin sax ah ay wadaan ha imaadaan Magaalada Baydhabo ” ayuu hadalkii sii raacey  Xildhibaan Xasan Black oo la dhacsan siyaasada Shariif Xasan Sheekh Aaden

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Xasan Black ayaa cadeystey inuu yahay Mucaaradka Koowaad Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya balse uu rabo wax dhab ah oo sax ah oo socon karo.

Ugu dambeyntii,  Maalmahan dambe Waxaa soo baxaya warar Sheegeya in La kala dhalan taalayo Go’aanka Xildhiaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Mooshinka, iyadoona sida la sheegey 45 ka mid ah Mudanayaashii wadey  Mooshinka durba loo tuurey Dhaqaalle.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo