Muqdisho ( INO)-Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ugu baaqay Madaxweye Shariif Xasan Sheekh Aaden in uu is casilo maadaama sida ay sheegeen wax qabad la’aan iyo Xil Gudasho La’aan ay daashatay Maamulkiisa islamarkaana Xildhibaanno fara badan ay Mooshinka ka gudbiyeen.
Aamina Mursal oo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya haatanna ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Degaanada Dowlada Koofur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in Shariif Xasan Sheekh Aaden uu ku fashilmay Howlihii loo igmaday.
Sidoo kale Aamina Mursal ayaa intaas ku dartay in Shariif Sheekh Aaden isagoo wax ka qaban waayay howlihii loo igmaday uu faraha kula jiro arrimo kale oo aan loo dirsan sida ay tiri.
Waxaana ay cod dheer ku sheegtay Siyaasi Aamina Mursal in dhammaan Siyaasiyiinta deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay go’aan buuxa ku gaareen in xilka Madaxweyne laga xayuubiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ugu dambeyn ayeyna u jeedisay Madaxweyne Shariif Xasan in ay u wanaagsan tahay in uu isagu is casilo inta aan codka Kalsoonida loo qaadin Mooshinka ka dhanka ah ee looga gudbiyay Golaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho