Madaxweyne Donald Trump oo amray in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico

0
211

Washington(INO)- Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo saaray warqad uu ku amrayo in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico, wuxuuna sidoo kale saxiixay in la qaado tallaabo dhaqaalaha looga yareynaayo magaalooyiinka Mareykanka ee ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah ee aan warqadaha sharciga ah haysan.

Donald Trump wuxuu sheegay xilli uu wareysi siinayay TV-ga ABC, in Mexico “ay mareykanka ka magdhobeyso boqolkiiba boqol, dhismaha derbigaas”.

Balse, aqalka wakiillada ayaa laga doonayaa inuu meelmariyo hanaanka iyo dhaqaalaha oo lagu qiyaasayo inay balaayiin dollar gaareyso.

Dhismaha derbiga dherirkiisu yahay 2,000 oo meyl, wuxuu ahaa mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee Trump, xilligii ololaha doorashada.

Wuxuu ka hadlay “musiibo” ka taagan xuduudda dhanka Koofureed ee Mareykanka uu Mexico kala wadaago. Hadalkaas wuxuu jeediyay xilligii uu saxiixayay amarka, intii ay socotay munaasabadda qeyb ka mid ah ciidamada amniga oo xalay dhacday.

Amarka waxaa qeyb ka ah in la shaqaaleysiiyso 10 kun oo ciidamo oo suga amniga xuduudda.

“Dal aan xuduud lahayn, dal maaha,” ayuu yiri. “Laga billaabo maanta Mareykanka wuxuu dib u soo ceshanaayaa maamulidda xuduudeeda.”

Donald Trump wuxuu sheegay in xiriirka Mexico uu la wadaago inuu wanaagsanaan doono.
Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto, ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, si uu Trump ugala hadlo dhismaha derbiga iyo danaha dalkiisa.

Horraantii Arbacadii, Mr Trump wuxuu sheegay in dowladda Mexico ay bixineyso dhaqaalaha ku baxaya dhismaha derbiga xuduudda.

“Waxaa jiri doono lacag ay bixinayaan. waxay noqoneysaa arrin cad, dhabcan qaab adag,” ayuu yiri Trump.

Xayiraad la saaray dalal Islaam ah.

Dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Ciraaq, Iraan, Liibiya, Sudan, Soomaaliya iyo Yaman ayaa waxaa xayiraad laga saaray Visaha dal ku galka ah, waxaana la joojiyay gebi ahaanba qoxootigii Suuriyaanka ee Mareykanku qaadi jiray.