Dhageyso: Prof. Jawaari oo baaq u diray Musharaxiinta xilka Madaxweynaha

0
199

Muqdisho(INO)- Gudoomiyaha golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya  in ay ilaaliyaann Jadwalka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale sheegay Jawaari in ay muhiim tahay in Musharaxiinta ay Aqriyaan xeer hoosaadkii loo qeybiyay  oo ay ku qoran yihiin Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa sidoo kale Guddiga Doorashada Madaxweynaha ugu baaqay in ay u shaqeeyaan si hufan ,islamarkaana ay ilaaliyaan Jadwalka Doorashada.

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka bilaabato diwaan gelinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso