Shir ku saabsan arimaha dhallinyarada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Addis

0
213

Addis (INO)- Shir ku saabsan dhallinyarada Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay Addis Ababa Itoobiya shalay galinkii dambe.
Shirkaa ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay dhallinyaro dalal badan oo qaarada Afrika kuyaala oo Soomaaliya ka mid tahay ka socday.

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada Afrika. Shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii dhallinyaradu hoggaanka qaarada ay uga qeyb qaadan lahaayeen heer dal ilaa heer qaaradeed.

Arimaha kale ee lagu soo qaaday ayaa waxaa ku jiray arimaha shaqo u abuurida dhallinyarada qaarada.
Waxaa kaloo lagu soo qaaday yereynta tahriibka ama socdaalka sharci darrada ah -illegal immigration ee qaarada Yurub iyo meelo kale oo caalamka intiisa kale ah loogu yaaco.

Waxaa lagu soo qaaday shirkaa mashaariic shaqo abuur ah oo lagu yareynaayo socdaalkaa sharci darrada ah isla markaana dhallin yarada qaarada shaqooyin loogu abuurayo.

Dhallinyarada qaarada ayaa waxa ay dalalkooda uga cararaan waxaa ka mid ah ku tacaddiga xaquuqul insaanka maadaama gabboodfallo badan loo geysto ayaga qudhooda.

Ugu dambeyntii, Shirkaan ayaa kusoo beegmay ayadoo haatan qaarada Afrika ay tacaddiyada ka dhanka xaquuqul insaanku soo badanayaan.

Idale News Online, Muqdisho