Sawiro:Dowladda oo sheegtay in ay soo Afjartay Weerarkii Hoteel Dayax

0
186

Muqdisho(INO)-Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab Saaka ay ku qaadeen Hotel Dayax, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac Farabadan.

Wasiiro iyo sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidamada  ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay Weerarku.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in tirada Dhimashada ay ka badan tahay 10 qof, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo aad u farabadan. Waxaa aad u bur buray dhismooyin ku yaalay Afaafka hore ee Hotelka Dayax, maadaama Hotelka laamiga uu ka xigo Hal boos.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan, waxaana ay sheegeen dagaalyahano ka tirsan ciidamadooda inay gudaha u galeen Hotelka Dayax oo ay ka dagaalamayaan.

Qaraxa-4Qaraxa-5Qaraxa-6Qaraxa-7Qaraxa-1Qaraxa-3