Shariif Xasan Oo Heshiishyo Kala Gaar Ah La Galay Laba Musharax Madaxweyne

0
179

Muqdisho(INO)- Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha  Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inuu heshiishyo qarsoodi ah oo kala gaar ah la galay laba Musharax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Sida Shabakada IdaleNews.com ogaatay Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Isbaheysi xoogan la leh Xildhibaano kor u dhaafaya 100 Xildhibaan kuwaasoo wacdaro xoogan ka dhigay Doorashadii Musharaxii Guddoomiyaha Barlamaanka Cabdirashiid Xidig waloow qorshahaasi uu fashilmay.

Shabakada Idale News Online ayaa ogoaatay in Shariif Xasan uu waanwaan isbaheysi ah la meel dhigay madaxweynaha doonaya in dib loo doorto ee Xasan Sheekh Sheekh Maxamed, taasoo salka ku heysa qeybsiga awoodda dowladda cusub, inkastoo la sheegay inaan weli heshiis rasmi ah la gaarin.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa wadahadal kale kula jira Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha, waxaana kulan dhex maray labada nin kadib doorashadii Guddoonka Baarlamaanka ayay isla soo qaadeen isbaheysi doorasho oo ka dhan ah Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ilaa hadda gaarin go’aankii uu ku taageeri lahaa mid ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha, iyadoo la filayo in xilliyada ugu danbeeya ee doorashada uu go’aan qaato isla markaana labada Musharax midkood uu taageero.

Idale News Online, Muqdisho