Prof. Jawaari oo sheegay in Berri la sameyn doono Guddiga doorashada Madaxweynaha

0
185

Muqdisho–(INO)–Guddoomiyaha golaha shacabka, mudane Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiskiisa magaladda Muqdisho waxaa uu ku qaabiley guddoonka Aqalka sare ee dalka ayagoo ka wada  hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada Aqal  isla markaana ay u dhexmari lahayd  wad shaqayn ku dhisan  horumarinta midnimadda iyo  adkaynta qaranimo Soomaaliyeed.

Guddoonka  barlamanaka federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo  guddoonka golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa  kulankoodu maanta wax ay isku afgarteen in maalinta beri ah  kulanka  barlamaanka  lagu dhiso  guddiga  qaban qabada doorashadda madaxweynaha  Soomaaliya.

Guddiga  ayaa ka shaqeyn doonta doorashadda madaxweynaha hanaanka ay u dhacayso  iyo  ku dhawaaqida xiliga rasmiga ah  ee la qabanadda doorashadda madaxweynaha.

Guddiga la sameyn doono ayaa laga sugayaa in ay Mudeeyaan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.