Baydhabo(INO)– ShirJaraa’id Oo maanta Sida wada Jir ay wada qabteen Wasiirka Wasaarada Hub ka dhigista, Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eeley, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxmed, Saraakiisha Amniga & Nabad sugida Degmada Baydhabo ayaa waxaa lagu falanqeeyey Dhibaatooyinka iyo daruufta Haysta Dadka Abaarta,Biyo La’aanta & Cudurka Shubun biyoodka Saameeyey Ee Dhaqanka Magaalada Baydhabo.
Waxaana kullanku diirada lagu saarey Sidii kaalmo bini’aadanimo oo deg deg ah loo gaarsin lahaa Barkacyaasha, iyadoona maalin weliba Magaalada Baydhabo ay soo gaariyaan Qoysas Hor leh Oo dhibeysan.
Intii Shirka Jaraa’id Socodey ayaa waxay Koonfur Galbeed Soomaaliya ka digtey in aan la siyaasdeyniny dhaqaallaha Gurmudka deg deg ah Ee Looga tala galey Bulshada Tabaaleysan Ee Soomaaliya.
” Waxaan Ka Digeynaa in Gargaar Siyaasadeysan Aan Ummada Looga Soo Gaban” C/rashiid C/laahi Maxamed
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xiili dhawaan magaalada Muqdisho lagu qabtey kullan dhaqaalle loogu aruurinayey dadka abaarta saameysay isla markaana waxa durba la diiwaan galiyey dhaqaalle gaaraya $150,000.