Dhageyso: Senator Faroole ” Somaliland waxaa ay ka mid tahay Soomaaliya”

0
185

Muqdisho(INO)- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in mudanayaasha Aqalka Sare ay ka shaqeyn doonaan sidii ay isugu keeni la haayeen maamul goboleedyada ka jira dalka.

Waxaa uu sheegay in xildhibaanada shaqadooda ay tahay ka shaqeynta midnimada Soomaaliya.

Senator faroole ayaa sidoo kale sheegay in  gudoomiyaha Aqalka Sare loo doortay mudane ka jeeda degaanada maamulka Somaliland taasina macnaheedo ay tahay in Somaliland ay ka mid tahay maamul goboleedyada ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ay wax badan qabadan doonaan xildhibaanada Aqalka Sare. Shalay ayay aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo sidoo kale ku xigeenadiisa.