Muqdisho (INO)-War qoraal ah oo kasoo baxay xubnaha beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah u diray xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka.
Waxaa xildhibaanada aqalka hoose iyo kan sare loogu baaqay inay si deg deg ah usoo dhisaan guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu sheegay in xildhibaanada ay horyaalaan shaqooyin badan oo adag, loona baahan yahay inay dajdajiyaan dhismaha gudiga doorashada ee ka shaqeynaya doorashada madaxweynaha dalka uu yeelanayo.
” Xidhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga doonaaya in ay doortaan hoggaan aysan sumcadooda ku xumeyn oo aysan ka qaadan kharashaad, waxaana xildhibaanada ka codsanaynaa in ay doortaan hoggaan ay ku qancikaraan bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Beesha Caalamka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.
“Isla markaana Soomaaliya waxaa soo food saartay caqabado badan oo ay ka mid yihiin abaaraha, shaqo la’aan iyo amni-darro, baarlamaanka waxaa ay fursad u leeyihiin inay doortaan hoggaan kaasi wax ka qaban kara baahida aasaasiga ah muwaadiniinta ” ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Xildhibaanada aqalka sare iyo golaha shacabka ayaa looga fadhiyaa inay kulamo ay yeeshaan kana soo saaraan gudiga doorashada madaxweynaha dalka.