Muqdisho(INO)- Guddigii culimada ee loo xilsaaray go’aan ka gaarida kiiskii Kufsiga ee ka dhacay degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa ugu dambayn xukun ku riday raggii falkaan ka dambeeyay.
Inkastoo aysan culimada weli si rasmi ah u shaacin go’aanka xukunka ayaa la sheegeen in dhalinyarada kiiskaan galay lagu riday xukuno dhowr ah oo aan ku jirin xukunka dil.
Xukumada lagu riday waxay kala yihiin boqol Jeedal oo midkii lagu dhufanayo iyo magdhow.
Guddiga culimada ayaa dalbaday 100 askari oo katirsan ciidanka Puntland, kuwaas oo la wareegaya ammaanka maxaabiista.