Dhageyso: Qaabkii Xaley Loo Weerarey Taliyaha Nabad Sugida Degmada Baydhabo

0
188

Baydhabo( INO)- Aadan Cali ( Aadan Carab ) Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Degmada Baydhabo ayaa waxa uu ka warbixiyay Bam Gacmeed xalay lagu weeraray Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Aflow.

Waxa uu Guddoomiyuhu tibaaxay in ay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaasi islamarkaana uu ka badbaaday Taliyaha falkaasi lala damacsanaa in lagu qaarijiyo.

Al Shabaab ayaa inta badan dusha u rita Masuuliyadda weerarada ka dhanka ah Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka.

Ugu dambeyntii, Waxaana weerarka Taliyahaasi uu ku soo beegmayaa iyadoo xalay Magaalada Jowhar lagu dilay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Halkan Ka Dhageyso Codka

Idale News Online, Muqdisho