Faah Faahin: Qaraxyo Xalay Lagu Weeraray Hoyga Taliyaha Nabad Sugidda Baydhabo

0
172

Baydhabo(INO)- Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo Bam gacmeed oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray hoyga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ka deggan yahay taliyaha ciidamada Nabad sugidda Degmada Maxamd Isaaq Aflow.

Taliyaha Nabad Sugida Degmada Baydhabo ayaa Idale News Online u xaqiijiyey in aysan jirin Khasaare Dhaliyey Qaraasi, isla markaana waxa uu xusey in meel fog laga soo tuurey Bomkaas isla markaana uusan soo gaarin Gurigiisa.

iyadoo halkaasi ay ka baxsadeen sida la sheegey dadkii ka dambeeyay qaraxan.

Saraakiisha ammaanka ee magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay  waxay sheegeen iney wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey qaraxyadaasi.

Amniga magaalada Baydhabo ayaa maalmahan dambe ahaa mid kasoo reynayey, waxaana jirey howlgallo habeen iyo maalin ay wadeen ciidamada ammaanka.

Ugu dambeyntii, Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxydan ka dhacay Baydhabo, hase ahaatee Al-shabaab marar badan sidan oo kale qaraxyo uga fuliyey magaaladaasi.

Idale News Online, Baydhabo