Mushaharkii Ciidamada Burundi ee Joogaya Soomaaliya oo Heshiis Laga Gaaray

0
197

Bujanbura(INO)- Ururka Midowga Afrika ayaa si ramis ah ugu dhawaaqay in heshiis laga gaaray mushaharkii iyo gunnooyinkii ka maqnaa Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM, islamarkaana ayan ka bixin doonin, oo  sii joogi doonaan Soomaaliya

Chergui  ah sarkaal sare oo ka tirsan midowga afrika oo booqday Caasimadda bujunbura, islamarkaana  wadaxaajood la galay dowladda Burundi ayaa sheegay in midowga afrika ay siin doonaan mushaharooyinka iyo gunnooyinka 12 bilood ciidamada Burundi

“Waxaanu isku raacnay in gunnooyinka aan usoo dirno ciidamada Burundi’ ayuu yiri  Smail Chergui.

Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Micheal Keating ayaa soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray mushaharka ciidamada Burundi.

Dhinaca kale, Dowladda Burundi ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday inay bilaabayso in ciidamadeeda  kala baxayso Soomaaliya, ka dib marki midowga yurub ay diideen in mushaharka ciidamada, ay soo mariyaan dowladda Burundi.

Gabagabadii, Dalka Burundi waxaa ka jooga Soomaaliya 5500 askari oo qaybtoodii u horraysay la keenay 2007dii, waxaana mushaharkooyinkooda bixiya Midowga yurub.