NY(INO)—Madaxweynaha dooran ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah u noqdo madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka, kadib marka uu xilka kala wareego madaxweyne Barak Obama.
Ku dhawaad hal milyan oo ruux ayaa goob jog u noqon doonta munaasabada lagu caleema saarayo laguna dhaarin doono madaxweyne Trump, halka malaayiin ruuxna ay ka daawan doonaan shaashaddaha caalamka.
Xaflad xalay ka dhacday xarunta Lincoln Memorial ee magaaladan Washington oo horudhac u aheyd caleemasaarkiisa, ayuu Trump ku sheegay in uu san kala jecleyn in cimilada ay maanta noqon doonto mid wanaagsan ama mid roobeed dhaxan iyo qaboowba leh midna.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray, in caalamka oo dhan uu daawan doono waxa maanta ka dhaci doono Mareykanka.
Roob khafiif ah iyo jawi qaboow ayaa la saadaalinaa in ay maanta ku waabariisato magaalada Washington DC.