Dhageyso+Sawiro: Shariif Xasan Iyo Wasiiradiisa Oo Ka Shiray Arrimaha Amniga Iyo Abaaraha

0
204

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta shir guddoomiyey kulan golahiisa wasiirada ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxaana kulankaasi looga hadlayey arrimo ku aadan amniga iyo abaaraha ka jira deegaannada  Koonfur galbeed.

Kulankan oo saacado qaatey ayaa markii uu soo gabgaboobay waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulsadha Ee Koonfur galbeed  Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, waxaana uu sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii laga wada hadlay.

Waxa uu sheegay wasiirka in ugu horreyn ammaan loo jeediyey dhammaan saraakiisha iyo ciidamada ammaanka Koonfur galbeed oo uu sheegay iney qabteen shaqooyin muhiim ah si amniga loo sugo, waxaana uu sheegay in wasiirada isla garteen in la abaalmariyo saraakiisha.

Sidoo kale wasiirka Koonfur Galbeed ayaa diiradda saaray arrimaha ku aadan abaaraha ka jira deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo, waxaana ay ugu baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga Qaran ee abaarah in degdeg ay wax uga qabtaan xaaladda abaareed ee Koonfur galbeed.

Ugu dambeyntii, Wasiir Cabdi ayaa dhanka kale hoosta ka xarriiqay in dhowaan  Koonfur Galbeed uugurmad gaarsiin doono dad kasoo barakacay abaaraha misane ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Sawir Qaade:  Abdirasak Adan Abdi

Idale News Online, Baydhabo