Buurhakaba(INO)- Wararka maanta oo Khamiis ah ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Koonfur galbeed ay howlgallo ka wadaan degmadaasi.
Howlgalladaan oo ah kuwo amniga lagu xaqiijinayo ayaa wararku waxay sheegayaan in ciidamada ay baarayaan xaafadaha degmadaasi qaar iyo sidoo kale deegaannada ku dhow degmadaasi.
Goob jooge ku sugan degmada Buurhakaba ayaa u sheegay IdaleNews.com in uu arkay dad ay ciidanku ku qabteen howlgallada, balse waxa uu tilmaamay inaanu qiyaasi karin tiro ahaan.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Buurhakaba ayaa dhankooda xiriir aynu la sameynay waxay sheegeen in howlgalkaan uu yahay mid amniga lagu sugayo, islamarkaana wixii faah faahin ah ay dib saxaafadda kasiin doonaan.