Dhageyso: Maamulka Gobolka Bakool Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Malaaq Macalin Cali Bare

0
177

Baydhaboi(INO)- Gudoomiye Ku Xigeen Maamulka Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool Aaden Cabdi Abaarey waxa uu tacsi u diray Sulaadiinta, Malaaqyada, Samadoonada, Nabadoonada, Ugaasyada, iyo guud ahaan shacbiga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha Iagoo ku hadlayey  Magaca afka Maamulka Gobolka Bakool ayaa ka tacsiyaday geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Malaaq Macalin Cali Barre oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Baydhabo.

waxaanu Gudoomiyaha tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku,

Waxaanu ku tilmaamay Malaaq tiir ka baxay hogaanka dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya kana soo shaqeeyey  nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Gudoomiyaha waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Sulaadiinta,Malaaqyada,Ugaasyada Samadoonada,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Idale News Online, Baydhabo