Dhageyso: Xildhibaan Maxamuud Cabdi Cali : “Baarlamanka KGS Way Ka Go’an Tahay In Xilka Ay Ka Tuuraan Shariif Xasan”

0
232

Baydhabo ( INO)-Xildhibaan Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliy Warbaahinta  ayaa sheegay in ay wadaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaana Xildhibaankaan uu carabka ku adkeeyay in Sifo sharci ah ay u mari doonaan sidii ay u ridi lahaayeen Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“ Dastuurka Koofur Galbeed waxa uu dhigayaa in Xildhibaanno gaaraya 3 meelood meel ay Mooshin ka keeni karaan Madaxweynaha , hadhowna cod Aqlabiyad leh uu ku weynayo xilkiisa” sidaas waxaa yiri  Xildhibaan Maxamuud Cabdi Cali.

Sidoo kale waxa uu ka digay  Xildhibaankaan in ay carqaladeeyaan dad uu soo diray Shariif Xasan Sheekh Aadan kaas oo ay doonayaan in Isbedel ay ku sameeyaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wajahaya Cadaadis xoogan  oo uga imaanaya Xildhibaanada Maamulkiisa.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho