Dhageyso: Ugaas Xasan ” Baarlamanka KGS Xilka Kama Qaadi Karaan Madaxweyne Shariif Xasan”

0
185

Baydhabo(INO)– Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshada Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed isla markaana ka mid ah Mudanaayaasha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheeegey in Xildhibaanada Baarlamanka aysan Xilka ka qaadi karin Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh, isagoo sheegey in aysan u haysanin nidaam sharci ah.

Wuxuu xusey in dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ogolaanaayo Inuu Xilka haayo mudo 4 sano oo KMG Ah  isla markaana  waxa uu hoosta ka xariiqay in ay soo doorteen  in ka badan 720 ergo oo ka kala soocdey Gobolada Shabellaha Hoose. Bay  iyo Bakool.

Ugu dambeyntii mudooyinkan dambe ayaa waxa soo baxayey warar sheegayey in ka badan 78 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka KGS  ay wadeen Diyaarinta Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan oo lagu eedayey Waxqabad la’aan iyo Dantiis raadsasho.

Halkan Ku dhuf VIDEO DOODA

Halkan Ka Dhageyso Wareysi

Idale News Online, Baydhabo