Muqdisho (INO) – Waxaa soo baxaaya xogo muujinaya in La lunsadey dhaqaale aad u xoogan oo laga qaaday murashixiinta aan ka qeybqaadan Doorashada Labada Aqal ee Barlamaanka.
Musharaxiinta aan ka qeybqaadan doorashada ee lacagta ku shubay Akonka Guddigaasi, ayaa sheegay in lacagtaasi laga saaray Akoonka, isla markaana ay dalbadeen in dib loogu soo celsho lacagta.
Murashixiinta aan Tartamin iyo kuwa booskooda lagu bedelay Haweenka ayaa sheegay in dhowr jeer ay Guddiga ka dalbadeen in xisaab lacageedka Bangiga ee Guddiga Federaalka ku shubeen dib loogu soo celsho, hayeeshee ilaa iyo iminka aysan helin war ay ku qancaan.
C/llaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa Murashaxiintii xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka oo aan ka qeybqaadan doorashada ayaa sheegay in wali ay ka maqan tahay lacagta is diiwaan galinta, isla markaana uu sugaayo in loo soo celsho lacagtiisa.
C/llaahi Sheekh Xasan oo iska diiwaan galiyay magaalada Jowhar, ayaa sidoo kale tilmaamay in Guddiga uu ka dalbaday lacagtiisa, hayeeshee uusan ka helin Jawaab uu ku qanco, waxa uuna intaa raaciyay in dhaqaalahaasi lagala baxay Akoonka Guddiga.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in lacagtaasi aan faraha lagu haynin, lana ogeyn cidda kala baxday Akonka Guddigaasi.
Musharaxiinta laga saaray Liiska iyo kuwa booskooda lagu buuxiyay Haweenka ee aan wali ka qeybqaadan Doorashada ayaa ku dhow 65 xubnood kuwaa oo iminka aan gacanta ku heyn dhaqaalihii ay isku diiwaan galiyeen, waxa ayna tani muujineysaa in Guddiga ay u joogaan dhaqaale uruursi.
Dhaqaalaha laga qaaday Xubnaha laga saaray Liiska oo ka kooban Rag iyo Dumar una sharaxnaa Aqalka Sare, ayaa laga qaaday min 10.000 oo Dollar, halka Murashixiinta Haweenka ahaa qoftiiba ahayd 5,000 oo Dollar.
Sidoo kale, murashixiinta raga ee Aqalka Hoose ayaa laga qaaday min 5,000 oo Dollar, halka Murashixiinta haweenkana laga qaaday min 2,500-Dollar.
Dhaqaalaha xubnaha labada Aqal ee aan tartamin ayaa aad u farabadan waxa ayna Xubnahaasi kor u dhaafayaan 65 xubnood.
Docda kale, Dowlada Somalia ayaan wali ka hadal Lunsashada Guddiga ay lunsadeen dhaqaalahaasi.