Baydhabo(INO)- Dad Muxsiin ah oo Ka Soo Jeeda Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta deeq lacageed soo gaarsiisay Barakacyaal ku dhibaateysan Kaamka Badbaado 1 Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Deeqdan Lacagta ah ee Maanta lagaarsiiyey Barakacyaasha Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ay gaareysay ($500) isla markaana waxa Sadaqaystey Dad Muxsiin ah oo ku dhaqan Magaalada Atlantc Georgia Ee Dalka Mareykanka.
Sheekh Maxamed Nuur oo ah qofka loo soo wakiishay gaarsiinta Lacatan Barakacyaasha ku jira Kammka Magaalada Baydhabo ayaa faafahiyey tirada Lacagta iyo Shaqsiyaadkii soo dhiibay.
Dadka la gaarsiyey Deeqdan ayaa waxay ka soo barakaceen Degaano Hoostaga Magaalada Baydhabo, Kuwaasoo aad u saameysey Abaarta iyo Biyo la’aanta ka taagan Gobolka Bay.
Hormuudka Kaamka Badbaado 1 Iyo Barakacyaal kale ayaa Dadkii Muxsinta ahaa ee Soo dhiibey Deeqdan ugu mahadceliyeen Lacagtan ay soo gaarsiiyeen dadka Dhibeysan, Waxayna ugu duceeyeen in Alle ugu bedelo Khayr.
Halkan Ka Daawo Sawiro Iyo VIDEO
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo