Cadaado(INO)- Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Galmudug Jaamac Xasan Salaad.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xilkan u magacaabay Maxamed Xayir Nuur.
Hadaba Wasiirka ayaa kasoo horjeestay Xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Guuleed uusan xilka ka qaadikarin.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed uu qoray warqadaasi, laakiin hadda Madaxweynaha uusan la heyn awood uu qof xilka kaga qaado.
Jaamac Xasan Salaad ayaa ka mid ah Wasiirada kasoo horjeeda Madaxweyne Guuleed ee shaqada laga eryay.