Baydhabo(INO)- Gollaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Kullan Ku yeeshey Magaalada Baydhabo ayaa si diiran u soo dhaweeyey Doorashad Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya oo arbacadii ku guuleystey Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo warbaahinta la hadlay kulanka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya kadib ayaa sheegay iney si diiran oo kal iyo laab ah usoo dhaweynayaan Guusha Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Maxamed Xasan Fiqi ayaa ugu baaqay shacabka iney ka qayb qaataan adkaynta Amniga inta ay socdaan Doorashooyinka,wuxuuna faray Gudiga Amniga Heer Maamul Goboleed iney laba jibaaraan hawshooda si loo xaqiijiyo Amniga.
Ugu dambeyntii, Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha la doortay ee Baarlamaanka Soomaaliya inuu xilkiisa u guto si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.