Dhageyso: Wasiiro Ka Tirsan Galmudug Oo Sii Shidey Xasrada Siyaasadeed Ee Ka Taagan Galmudug

0
184

Muqdisho(INO)- Kulan ay Maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiiro, iyo Wasiiro Ku Xigeeno ka tirsan Maamulka Galmudug, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda degaanada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku taageereen go’aankii xildhibaanada Galmudug qaarkood ay Xilkii kaga qaadeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxa ay sidoo kale Kulanka ka sheegeen in Madaxweynaha Galmudug ee Xilkii laga qaaday in uu si sharaf leh ku aqbalo Xil ka qaadista islamarkaana uu ilaaliyo sharciga iyo Dastuurka Galmudug sida ay sheegeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Galmudug Jaamac Maxamed Salaad Sheelari iyo ku Simaha Wasiirka qorsheynta ahna Wasiir Ku Xigeenka qorsheynta Galmudug ayaa kulanka ka sheegay in uu sax ahaa go’aanka Baarlamaanka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Madaxweynaha Galmudug uu dayacay Mas’uuliyadii loo igmaday islamarkaana uu ku fashilmay hoggaaminta Shacabka Galmudug sida uu sheegay.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ka hadlay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda degaanada Galmudug waxa ayna C/kariin Xuseen Guuleed ugu baaqeen in uusan mar kale dib u dhigin Galmudug islamarkaana uu aqbalo go’aanka Xilka looga qaaday.

Halkan Ka DHAGEYSO