Dhageyso: Dr. Gaas Iyo Daacish Maxaa Kala Haysta?

0
188

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay ammaanka Degaanada Puntland ayaa sheegay Puntland in ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso ah oo isbaheystay.

Waxa uu sheegay shacabka iyo Ciidanka Puntland in ay diyaar u yihiin la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee isbaheystay, isaga oo tilmaamay in la sii labo jibaarayo Wada shaqeynta u dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Shacabka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka soo goosata ama ka soo baxda Daacishta ku sugan degaano ka tirsan Puntland, isagoo sidoo kale ugu baaqay xubnaha Daacish ka tirsan in ay ku soo biiraan Puntland.

Ugu dambeyntii, Mas’uuliyiin uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa 11-kii bishan gaaray Degmada Qandala ee Gobolka  Bari oo ay horay ugu dagaalameen Ciidanka Puntland iyo Rag ka tirsan sida la sheegay Kooxda Daacish.

Halkan Ka Dhageyso