Muqdisho(INO)- Cabdi Wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa hogaaminaya codadka la tiriyay ilaa hada wareega koowaad oo goor dhow la soo gaba gabeeyay.
Cabdi Wali ayaa haysta codad gaaraya 111 cod, halka Faarax Sheekh C/qaadir oo ku xiga isagana uu haysto codad gaaraya 94 cod.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyadana ah qofka ku sii xiga ayaa waxa ay haysataa codad gaaraya 27 cod.
Saddexdaan Musharax ayaa noqon doona kuwa u soo gudba Wareega labaad ee Doorashada Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada aaday tukashada Salaada Duhurka, waxaana la isugu soo noqon doonaa Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya.