Baydhabo(INO)– Si wax looga bedelo qaabka hogaaminta iyo hanaanka noolasha ee ummadda Soomaalida waxaa rubuc qarnigii ugu dambeeyay la isku dayay dalka Soomaaliya in la dhiso hogaan iyo maamulo hufan , si ummadda looga badbaadiyo dhibaatooyin fara badan oo hareeyay noolasha dad badan oo Soomaalida ka tirsan, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaalida.
Inta badan ,Soomaalida waa ummad sheegata Muslim , masaajidada waa kuugu ciiriiriyaan, xajka iyo camalo badan oo wanaagsan waa lagu tartamaa. Hadana wax badan ayaa ka qaldan noolasha Soomaalida.
Nasiib daro, mar kasto oo ay dadka Soomaalida iyo dowladaha aan saaxiibka nahay la isku dayo in la dhiso , dowlad ay shacabka ama wakiiladooda ay soo doortaan, waxaa hareeyay maamul xumo, laaluush (corruption) aad u daran, daneysi , iyo hor istaagidda danaha guud ee shacabka.
Dhibaatooyinkaas oo dhan waxaa horseed ka ah, hogaamiyeyaal ganacsato ah oo leh dano gaar ah, kuwaas oo aan dan ka gelin dhibaatooyinka haysta dadka Soomaalida.
Hogaamiyeyaashaas waxaa ay sanadkasto gacamahooda ay saaraan kutubka quraanka kariimka ah iyaga oo ku dhaaranaaya in ummadda cadaalad ku maamili doonaan . Balantaasna waa mid u muuqata in lagu jees jeesay kutubka Alle.(Subxaana Allah) .
Waxaa la yaab leh in isla goobta ay ku dhaarteen in Hogaamiyeyaashaas ay siyaasadii iyo nadaamkii ummadda ay ku bedeleen laaluush iyo lacag xad dhaaf ah lagu bixiyo in la hor istaago danaha ummadda .
Waxaa dhagahaaga ku soo dhacaaya in marka la dooranaayo xildhibaan Soomaali ah ama hogaanka dowladda in la bixiyo dhaqaale aad u fara badan kuwaas oo inta badan ay bixiyaan hogaamiyayaashaas ganacsatada ah.
Waa su’aal la is weydiin karo, Xagee lacagahaas laga keenay? Aniga Waxaan aaminsanahay waa canshuurtiii dadka laga qaaday oo laagu abaal mariyay shacabka in lagu burburiyo.
Waxaase ka sii daran, in sida aan la socono in waddanka uu ka jiro abaaro ba’an oo biyo iyo baad xumo daran oo adkaas dhibateysan aan loogu gurman, sidii la filaayay.
Tusaale ahaan, booyad biyo ah (5000L)waxaa uu qiimaheeda yahay meelaha kala duwan ee ay abaaraha ka jiraan ee dalka Soomaalida inta u dhaxaysa 40-150 U.S .Dollar, oo ay badbaadin laheed 20-30 qoys ama 100-150 qofood oo oon ama haraad u dhimanaayo.
Arintaan wanaagsan Waa laga faanay in laga dhigto dhaqan iyo hogaan, Laakiin waxaa maalmahaan dhagahayga ku soo dhacayay in Hogaamiyeyaashaa siyaasiyiinta ee ganacsatada qaar ay malaayiin doolar ku bixiyeen sidii ay u heli lahaayeen ama u iibsan lagaayeen xildhibaano fuliya danahooda gaarka ah ee siyaasadda.
Gebi ahaanba waxaa la hilmaamay dadkii dhibaateysnaa oo ah mas’uuliyadooda boobeen.
Xildhibaanadaas ama wakiiilada shacabka waxa ay noqdeen Af- Wax cunay xishood! Waxa ay ka xishoodeen in ay diidaan laaluush, waxa ay ka xishoodeen in xaqqa ay u hiiliyaan, waxa ay garabkiisa noqdeen hogaamiyaha horumarinta Laaluushka.
Dhamaantooda waxa ay isku raaceen in dhaqan iyo diin ay ka dhigtaan laaluush “corruption” waxa ay beeniyeen kutubka Alla oo ay gacanta saareen! .
Tan ka sii daran, shacabka iyo odayaasha dhaqanka oo inta badan u sacaba tuma hogaamiyayaashaas dhaqankooda ka dhigtay laaluush 26 dii sano ugu dambeeyay.
Qaar baa soo dhiga baraha warbaahinta oo amaana, ogaada dambi kasto oo ay suubiyaan hogaamiyeyaasha laaluushka waxbaad ku leenahay hadii aad taaheerto hogaamiyeyaashaas ganacsatada oo dhaqankooda ka dhigtay Laaluush .
Tan kale , waxaad jira xildhibaanada qaar ama dadka wanaaga u hiiliya oo isku data in dulmigaan ay ka horyimaada , laakiin waxaa ka hor yimaadan kuwo kale oo walaalahooda ama odayaal taageersan dhaqanka laaluushka, oo ka hor imaanaya dadka raba in la saxo dhibaataan gaamurtay.
Waxaan rabaa in u sheego dadka qoraalkeyga akhrista iyo kuwa jecel in la badbaadiyo ummadda Sooomaalida in la gaartay waqtigii aan dhihi laheen ” Dooni Mayno Hogaamiyaha Laaluushka ” iyo in la takooro kuwa dhaqankooda iyo mabda’ooda yahay laaluush.
Fadlan ha taageerina, hala fariisan, gurigaada ka dhowr, hogaamiye kasto ama qof kasto oo taageera laaluush” corruption Waad arkeysaan meesha maanta uu idin dhigay hogaamiyaha laaluushka! Qoraalkeyga, waxaan ku soo gabababeynayaa ” laaluush dhaqan, hogaan iyo siyaasad umma noqon karto ummad, ee waa in isbedel aanla imaano” Wakiilada shacabka waxaan ugu baaqayayaa in ay la yimaadaan dareen iyo hami ay ku badbaadiyaan ummadooda , waana hubaa in qaar badan ay la imaan karaan jawi ka duwan kan hadda ka jira dalka Somalia .
W/Q: Abdulkadir Abukar Sheikh
Humanitarian and Social justice Activist.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Idale News Online.