Musharax Shariif Xasan Oo Dagaal Aan Hore Loo Arag Ku Bilaabay Xasan Sheekh

0
197

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dagaal siyaasadeed aan hore loo arag ku bilaabay musharaxa xilka madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii uu burburay isbaheysigii Doorashada ee Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo C/kariin Guuleed, wuxuuna ku socdaa dhowr jiho oo kala duwan.

Ololaha waxaa qeyb ka ah wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed oo loo xil saaray inuu saxaafadda ka weeraro Xasan Sheekh, waxaana wasiirkaasi uu shalay howl weyn ka bilaabay magaalada Muqdisho isagoo warbaahinta Muqdisho u qeybiyay wareysiyo uu ku weerarayo Xasan Sheekh.

Wasiirka Ganacsiga Koonfur Galbeed C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka soo jeeda beesha Abgaal ayuu Shariif Xasan u xil saaray inuu hogaamiyo dagaalka warbaahinta ee lagu qaadayo Xasan Sheekh iyo kooxdiisa, taasoo uu si dardar leh ku bilaabay.

Ugu dambeyntii, Ololaha kale ee Shariif Xasan ayaa noqday in dagaalkii uu kula jiray siyaasiyiinta beesha Daarood u wareejiyo Beesha Abgaal isagoo raadinaya isbaheysi cusub oo looga hortago in mas’uul ka soo jeeda beeshaasi uu madxweyne noqdo, isagoo bilaabay wadahadal uu ku doonayo inuu isbaheysi kula sameysto musharixiinta Beesha Daarood ee xilka madaxweynaha.

Idale News Online, Muqdisho