Muqdisho(INO)—Guddoomiyihii hore ee maxkamadda ee dalka Ceydiid Cabdullaahi Ilko Xanaf, ayaa sheegay inuu ku laaban doono deegaanada maamulka Somaliland.
Kadib shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu dib ugu laaban doono deegaanada Somaliland oo uu kasoo jeedo, haddii loo diido inuu isku sharaxo xubnaha aqalka sare.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu sheegay haddii aysan si siman ula shaqeyn siyaasiyiinta xil doonka ah inuu ku laaban doono Somaliland.
Waxaa jiro cadaadis xoogan oo Ilka Xanaf laga saarayo inuu kasoo dhex muuqdaa xubnaha qalka sare ee ka imaanaya deegaanada Somaliland.
Wuxuu ugu baaqay madaxda dalka inay cadaaladda ka shaqeeyaan.
Ceydiid Ilka Xanaf ayaa muddo badan ka tirsanaa dowladihii dalka Soomaaliya, waxaana uu dhowr sanadood ahaa guddoomiyihii maxkamada sare ee dalka.