Muxuu Faarax C/qaadir ka bedeli karaa Baarlamaanka hadii uu ku guuleysto Guddoonka BFS ?

0
201

Muqdisho(INO)— Khudbadii Taariikhiga aheyd ee Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadiri ka jeediyay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa noqotay mid aad u xiiso badan oo qabsatay baraha bulshada ku wada xiriirto, taasoo dad badan u riyaqaaeen aadna u amaaneen

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo taariikhdiisa ku bilaabay ayaa sheegay dugsiga sare kaga baxay magaalada baladweyne ee Gobolka Hiiraan, kaddib labo sanno oo shaqo qaran ku soo qaatay degmada Xarardheere, isla amrkaana uu aaday waxbarasho dibadda ah jaamacadda caalamiga ah ee Islamic international university ee Islamabad dalka Pakistan oo uu ku soo bartay shareecadda islaamka iyo qaanuunka.

“Waxaan dalka ku soo laabtay 1992 dii xilligaas oo ay yareeyd in dadka Soomaaliyed ku dhiiradaan jogitaanka dalka, anigoo umadda uga soo shaqeeyay dhanka waxbarashadda, gargaarka biniaadanimadda, anigoo cagta soo mariyay dhamaan goboladda dalka uu ka koobanyahay, waxaan ku guuleystay aas aasidda goobo waxbarasho oo dalka ka hirgalay sida iskuulada ku bahoobay daladdda waxbarashada FPENS iyo jaamacadda Simad”ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir

Faarax ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka uu wax badan ka bedeli doono muuqaalka baarlamaanka, ayna noqon doonto meel loo soo hirto, isagoo sheegay in baarlamaanka uu noqon doono mid ku mashquulsan danaha dalka, sharciyadiisa, horumarinta dastuurka iyo midnimadda umadda soomaaliyeed, waxaa kale uu sheegay in uu kala shaqeyn doono guddoomiyaha baarlamaanka ajendayaasha horyaalo, isagoo balan qaaday in uu ka qeyb qaadan doono casriyeynta golaha shacabka.

Waxaa uu sheegay in intii uu Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ahaa inuu ka shaqeeyay dib u heshiisiinta, iyadoo tusaale loo soo qaadan karo heshiiskii Jubba 2013 oo baajiyay in dhiig ku daado Kismaayo, maadaama ay dagaalo badan ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa uu hormariyay Wasaaradda Cadaladda oo uu wax badan ka bedelay, maxkamdaha dalka, xeer ilaalinta, dambi barista iyo maxaabiista, isagoo ka dhigay wasaaradda mid aad loo xiiseeyo wuxuu ku guuleeysay anisixinta sharciyo badan oo baarlamaanku ansixiyeen sida sharciga golaha adeega garsoorka, sharciga maxkamadda dastuuriga, sharciga xabsiyadda iyo maxaabiista, magaacaabidda guddiga adeega garsoorka, magacaabidda gudiga dib u eegista dastuurka iyo sharciga, sharciga xuquuqda caruurta, sharciga maxkamadda racfaanka, iyo xeer ilaalinta, kuwaasoo bilaw fiican u noqday dib u soo unkumida hey’adaha sharciga dalka.

Faarax waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsi af gaaban, ixtiraam badan, dadka dhageysta, waxaana tusaale loogu soo qaataa kaalintiisa wax ku oolka aheyd ee horumarinta Waxbarashada iyo dhiiri gelinta dadka Soomaaliyeed inay isku tashtaan oo aanay waxba ka sugin gacmo shisheeye, waxaa dadka qaar aaminsan yihiin inuu leeyahay sifaadka lagu yaqaano hoggaaminta.

Hadaba halkan hoose ka akhriso Taariikhdiisa oo kooban

Waxaa uu ku dhashay Magaaladda Beledwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan sanadka markuu ahaa 21 -10 – 1966

Waxaa uu 20 kii sanno ee burburka ka soo shaqeeyay dhanka waxbarashada, dib u soo nooleeynta garaadka iyo maskaxda dhalinta soomaaliyeed si jiilka soo korayo u noqdaan jiil leh aqoon iyo aragti wanaagsan oo dhanka hormarka iyo wanaaaga ah madaama dowladii dhexe burburtay.

Sidoo kale waxaa uu ka soo qayb qaatay aas aasida Goobo waxbrasho oo laga hirgaliyay dhamaan gobolada dalka iyo Jaamacado, sidoo kale waxaan ka qayb qaatay taakuleeynta iyo gargaarka dadka Soomaaliyeed mudooyinkii dhibaatada abaaraha ka jireen dalkeena taasoo ahayd muhiimada wayn in dadka laga samatabixiyo xaalada adag ee soo wajahay iyo xalinta khilaafaadka bulshada,.

Aqoonta: Faarax  wuxuu ka qalin jabiyay jaamacada caalmaiga ah ee Islamabad (Internarial Islamic university in Islamabad) wuxuu bartay qanuunka iyo sharciga islaamka.

Khbiradaha Shaqada:

2007 – 2011, Kuwait: Lataliye Sare: Direct Aid: oo ah hay’ad kulmiso, Hay’addo gargaar, iyo waxbarasho oo ka kooban iskuulo iyo jaamacado ku yaalo dalaka afrika isagoo xafiisyo badan ka furay, wadamada kenya, Tanzania, Gambia, Zanzibar iyo waddamo kale oo badan

Sidoo kale wuxuu noqday u qaabilsanaha wakaaladda muslimiinta afrika dalka soomaaliya (African Muslims agency – AMA) isagoo ku guuleestay in 1992 ilaa 2000 iskuulo badan laga furo goboladda dalka

Wuxuu sdioo kale noqday gudoomiye kuxigeenka daladdda waxbarashada  FPENS oo ah dalad ay ku bahooben iskuulo bixisana shahaadooyin caalami ah iyo minxooyin waxbarsho oo arday badan ka faaiiden xiliyadii bubburka

2012 –  Xildhibaan Dowladda Federaalka Soomaaliya

2012 – 2013: Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyadda ee  Dowladda Federalka ee Soomaaliya Soomaaliya

2014 – 2015: Wasiirka Caddaaladda iyo Arimaha Dastuurka ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya Soomaaliya

Luqaadaha uu ku hadlo

Soomaali, Carabi, English, iyo Kiswahili”