Muqdisho(INO)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu balan qaaday in uusan taageeri doonin qorshaha Shariif Xasan Sheekh Aadan ee uu ku doonayo in guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu noqdo Cabdirashiid Maxamed Xidig.
Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh Maxamuud ay xalay iyo maantaba is arkeen xildhibaano ka soo jeeda beeshiisa, oo u balan qaaday in uusan qorshahaas taageeri doonin.
Arrintan ayaa hadda si caadi ah ugu soo shaac-baxday Suuqyada magaalada Muqdisho, waxaana kooxda DAMU JADIID ay hadda taageero siinaysaa taas bedelkeeda Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horrey u soo xukumayey baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.