Daawo: Prof. Jawaari Oo Shacabka Soomaaliyeed Ka Dalbadeen Inuu Isu Soo Sharxo Gudoonka BFS

0
219

Muqdisho(INO)- Xilli doorasho ayaa lagu jiraa, siyaasiyiin fara badan ayaa hunguri kaga jiraa sidii ay xilal sar sare uga qaban lahaayeen Dawladda cusub ee Soomaaliya, musharaxiin kala duwan ayaa haatan isa soo bandhigay, shaqsiyaad miisaan culus leh ayaa la filayaa inay ku soo biiraan hardanka loogu jiro hanashada xilalka waa weyn ee Qaranka, balan qaadyo aan yareyn ayay sameynayaan musharaxiintaasi, hami ahaan waxay jecel yihiin in la doorto.

Jagooyinka loo tartamayo ee isha lagu hayo waxaa ka mid ah Gudoonka Golaha shacabka Soomaaliya Wadanka, musharaxiin ka kooban Rag iyo Hablo ayaa cadeeyay inay u taagan yihiin qabashada hogaanka Golahaasi, dadaal, ruclo orod iyo xod-xodasho ayuu ku jiraa musharax kasta oo doonaya inuu helo codadka Xildhibaanada wax dooran dooona, taageerayaasha musharaxiinta uu legdenka ka dhaxeeyo ayaa mid kasta ku doodaya in musharaxiisu uu adkaan doono.

Dhaqan ahaan madaxda Soomaaliyeed waxaa lagu bartey inay isa soo sharaxaan, talaabo cusub oo dhaqankaasi ka duwan ayaa maanta lagu dhaqaaqay, in ka badan Boqol  xubnood oo is ugu jirey Xildhibaanada Labadda Aqal ee Dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumada Wadanka, madax ka socotay haweenka, dhaqanka, qurba joogta, dhallinyarada iyo marti sharaf aad u badan ayaa cod dheer ku codsadey in Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan  Jawaari uu isu soo sharaxo xilka Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab, , Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheikh Axmed Gabale iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Haweenka Aamino Maxamed Mursal ayaa daboolka ka qaaday in ay Jawaari ka codsanayaan inuu isu soo taago jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka , waxayna cadeeyeen inuu mudan yahya inuu xilkaasi ku soo baxo, iyagoo xusay in gabdhaha ku jira Baarlamaanka ay ka go’an tahay inay codkooda siiyaan.

Afhayeenka Golaha Siyaasiyiinya Da’da yar Maxamed Nuur Cali, Cabdi Caddow Axmed oo ku hadlayay magaca ururda bulshada, Shure Aadan Madoobe oo matalayay dhallinyarada ayaa iyaguna munaasabadaasi ka hadlaya waxayna ku cel-celiyeen inay taageersan yihiin in Jawaari uu isu soo taago xilka lagu dhiiri galinayo, waxayna carabka ku dhufteen inuu u qalmo qabashada jagada loogu baaqayo. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta Eng, Saalax Sheikh Cusmaan oo khudbad dhinacyo badan ka hadlaysa halkaasi ka soo jeediyay ayaaa ku nuux-nuuxsadey inuu soo dhaweynayo tallo soo jeedinta ka timid wakiilada ummadda Soomaaliyeed ee ku aadan inuu Prof. Jawaari isa soo sharaxo, waxaana uu hoosta ka xariiqay inaan ruug cadaagaasi loogaa maarmin inuu mar kale hogaamiyo Golaha Shacabka, isagoo carabka ku adkeeyay inuu rajeynayo in Maxamed Shiikh uu arintaasi aqbali doono.

Waa bilow wanaagsan in shacbiga Soomaaliyeed iyo madaxdooduba ay muujiyaan rabitaankooda, waa guul in dadku ay calaamadeystaan muwaadinkii ay doonayaan, talaabadani ayaa waxay tusaale u tahay in laga soo gudbay caadadii aheyd in wax-matare kasta lagu doorto Qabiil, , musharax ayaan ahay ha la I-cimaamudo (doorto), kursigaasi ayaan caashaqey, fursad labaad hala I-siiyo IWM ah midna lagama maqlin Inna Sheikh Cusmaan, aqoontiisa, waaya aragnimadiisa, wadanimadiisa, deganaantiisa iyo fogaan aragnimadiisa ayaa dhalisay in loo jeediyo dalab ku saabsan inuu mar kale u adeego Dadkiisa iyo Dalkiisa.

Heeso looga dalbanaayo jawaari in uu qabto xilka Gudoonka Baarlamaanka ayaa halkaasi kooxda shanbal ku soo bandhigeee.

Ugu dambeyntii, Baaqa ka soo baxay bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu han-weyn yahay inuu Maxamed Sheikh ka sooo jawaabo maalmaha soo socda, ifafaalaha jira ayaa caddeynaya in Jawaari uu aqbali doono codsiga loo soo bandhigay, saadaal la sameeyay ayaa iftiiminaysa in aqoonyahankaasi uu mar kale ku soo bixi doono jagada loogu gacan haatinayo inuu hanto.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Wariye Abshir Maxamed Nuur (Madella), Idale News Online, Muqdisho