Hargeysa(INO)- Ammaanka Magaalooyinka Maamulka Somaliland ayaa aad loo adkeeyay sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland.
Taliyaha ciidanka Booliska Maamulka Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ammaanka degaanada maamulka Somaliland si weyn loo adkeeyay. Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Booliska Somaliland ayaa la geeyay Magaalooyinka Qaar.
Taliyaha ayaa digniin adag u diray dadka warbaahinta hanjabaada isku mariya oo uu sheegay in ay qalqal galinayaan ammaanka dalka.