BFS oo go’aan ka gaaray Lacagta laga qaadayo Musharaxiinta Guddoonka & Madaxweynaha

0
178

Muqdisho(INO)- Labada Aqal ee dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah ku ansixiyey in musharaxiinta u taagan qabashada Guddoonka baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dawladda Faderaalka lagu soo rogo lacago dheeraad ah oo laga qaadayo.

Labada Aqal ayaa isku raacay in shaqsi kasta oo u taagan qabashada Gudoominta baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya laga qaado aduun gaaraya $15,000 oo Dollar iyo Sharuudaha uu qabo Dastuurka Qabyada ah ee dawladda Soomaaliya.

Qoondada Lacageed ee laga qaadayo Madaxweynaha qofka doonaya ayaa laga dhigay $30,000 oo Dollar, taas oo muujinaya koru-kac xoog leh oo sannadkan ku yimid lacagtaas, waxaana sidaas oo kale u dheer Sharuudaha Dastuurku qabo.

Ugu dambentii, Baarlamaanka oo uu hadda u socdo kalfadhigooda labaad ayaa dood ka leh guddiga Doorashooyinka oo si rasmi ah loogu dhawaaqin doono galabtay.