Daawo: Musharax Shariif Xasan oo gaaray Muqdisho iyo kulan uu kula leeyahay Xildhibaanada

0
181
 Muqdisho(INO)- Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha  Koonfur Galbeed, ayaa barqanimadii maanta ka degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, iyadoo soo dhawayntiisu ay ka qaybgaleen Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameedyo.

Madaxweynaha oo Jimcihii gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, ayaa xalay ku hoyday magaaladaasi, iyadoo saakayna uu uga soo amba baxay dhinaca Caasimadda Muqdisho.

Dhanka kale Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu maanta uu qado sharaf ugu sameeyay Xildhibaanada Labada Aqal, ee laga soo doortay Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ka soo jeeda, ayaa sidoo kale la soo sheegaya in lagu soo casuumay qado sharaftaasi.

Shariif Xasan, ayaa Magaalada Muqdisho u tagey ololihiisa ku aadan jegada madaxtinimada dalka, oo sida uu sheegay uu jeclaan lahaa in uu sanadkan noqdo hogaamiyaha dalka.

Shariifka, ayaa Khamiistii sheegay in Muqdisho uu ka sii wadi doono ololihiisa musharaxnimada, kolka uu dib ugu laabto. Shariifka isla ayaa Khamiistii gaaray Magaalada Addis Ababa, ka dib markii uu ka soo laabtay Cumro uu u tagey Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Halkan Ka Daawo Sawiro