Ban Ki Moon oo u soo jeediyay BFS cusub inuu durba dhammeeyo hannaanka doorashada

0
171

NY(INO)- Xog-hayaha guud ee QM Ban Ki Moon ayaa u soo jeediyay baarlamaanka cusub inuu durba dhammeeyo hannaanka doorashada.

Wuxuu kaloo usoo jeediyay inuu hirgasho dastuur joogto ah ama rasmi ah. Bayaan maanta xafiiskiisa kasoo baxay ayaa sidaa lagu xusay.

Ban Ki Moon ayaa ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen dhaarinta xildhibaanada cusub ee dhacday 27kii bishaan.

Wuxuu sheegay inay taasi tahay tillaabo loo qaaday dhanka doorasho hal cod iyo hal qof ah oo lagu talo jiro inay dalka ka dhacdo 2020.

Xog-hayahaguud ee QM Ban Ki Moon ayaa sidoo kale ammaanay dadaalka ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo AMISOM ay u galeen sugidda ammaanka waqtigaan doorashada caasimada iyo meelo badan oo kale oo dalka ah.