Muqdisho(INO)– Beesha Caalamka ayaa waxa ay ka hadashay Go’aankii 29-kii Bishan ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo ku aadanaa in dib loo dhigay Doorashada 18-ka kursi ee lagu kordhiyay xubnaha Aqalka Sare ee Dalka.
Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa si wadajir ah waxa ay u soo dhaweeyeen Go’aanka ay Madasha Qaran ku hakisay Doorashada 18-ka kursi ee lagu kordhiyay Aqalka Sare.
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa sheegay muhiim in ay tahay dib u eegis in lagu sameeyo kordhinta xubnaha Aqalka Sare, maadaama 54 xubnood oo Aqalka Sare ah Dastuurka Soomaaliya uu ku qoran yahay, iyadoo aan wax ka bedel lagu sameyna lagu kordhin karin.
Madasha Qaran ayaa shalay waxa ay sheegeen in fulinta Doorashada sideed iyo tobankii (18) kursi ee Madashu ku kordhisay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka dib loo dhigay ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maalinta berri ah waxa ay yeelan doonaan kalfadhigooda Labaad, sida uu Risaala u sheegay Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulanka lagu magacaabi doonaa Guddiyo Doorasho, oo soo sheegaya xilliga ay dhaceyso Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.