Machadka Heritage oo daraasad kasoo saaray colaadaha soo noqnoqda ee Gaalkacyo

0
185

Galkacyo(INO)-Machadka Heritage ee Muqdisho ayaa dhawaan daraasad kasoo saaray colaadaha soo noqnoqda ee Gaalkacyo.

Daraasadaa ayaa lagu ogaaday inaan la dhayalsan karayn baahida loo qabo in xal waara loo helo colaadaha soo noqnoqda ee ka dhaca magaaladaasi Gaalkacyo. Daraasada ayaa waxaa lagu ogaaday in xal waara oo loo helo colaadaha soo noqnoqda ee Gaalkacyo uu wax weyn u tari karo dadaalka loogu jiro nabad waarta oo dalka oo dhan ku fida.

Sidoo kale ayaa machadka Heritage uu daraasadaa ku xusay in hadii aan wax laga qaban colaadaha Gaalkacyo ee soo noqnoqda ay horseedi karayaan colaado kale oo qeybo kale oo dalka ah ka dhasha.

Gaalkacyo ayaa ah magaalada kaliya oo ay ka wada taliyaan labo maamul goboleed kuwaasoo kala ah Galmudug iyo Puntland.