Baydhabo(INO)- Siyaasadda Soomaaliya oo inta badan looga bartay isbedel joogto ah ayaa oo aan meel ku saleysneen ayaa sanakan 2016 waxaa la dareemaya isbedelo ka duwan kuwii hore sinkastoo aysan ahayn mid buuran.
Baarlamanka cusub ayaa ah mid laga soo doortay maamul goboleedyada taasi oo loogu magacdaray doorasho dadbadan, kana tarjumaysa bilowday nidaamka federaalka ah.
Hadal haynta ugu badan ayaa ah qabashada hogaanka sare iyo suuro galnimada in isbedel siyaasadeed uu dhicikaro, musharixinta u taagan xilka madaxweynaha waxaa kamid ah ka sokow siyasiinta caadiga ah iyo madaxda kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay si weyn u hadal hayaan dadka falanqeeya siyaasadda dalka.
Damaca Shariif Xasan waxaa ku dahaaran xeyn daabka guddoomiyaha baarlamanka, taasi oo hadii uu xal u helo ay suuro gal tahay ka qeyb galka tartanka madaxweynaha ama xilka raiisul wasaaraha.
C/rashiid Max’ed Xidig oo ah xildhibaan ka soo jeeda Jubbalan ayaa la hadal hayaa in uu taageerayo Shariif Xasan si uu uga dhigo guddoomiye baarlaman taasi oo u muuqata fursad laba geesood ah oo midiba uu helikaro.
Balse waxaa soo baxaya in siyaasiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed ay u taagan yihiin qabashada xilka guddoomiyaha baarlamanka sida Idiris Cabdi Taqtar, taasi oo dhabar jab ku ah rajada Shariif Xasan, Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari guddoomiyihii hore ee baarlamanka oo aan weli is shaacin ayaa isna lahadal haya, balse u muuqda in uu ka dhursugayo, aragtida siyaasiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shir ka dhacay dalka Itoobiya cadaadis lagu saray Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ka tanaasulo hankiisa, ayadoo laga duulaya in haatan isbedel weyn oo dhanka siyaasadda Soomaaliya ay gasho aanay suuro gal ahayn.
Balse qoraal taageerayaasha Sahriif Xasan Sheekh Aaden ay soo dhigeen baraha bulshada ayaa lagu muujiyay in weli uu ku taagan yahay mowqifkiisa.
Hadaba waxayaabaha shacabka Soomaaliyeed ay ka dhursugayaan ayaa ah halka ay u biyo shuban doonto siyaasadda Soomaaliya oo in muddo ah soo daalaa dacaysay.