TOOS: Munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Federaalka

0
186

Muqdisho(INO)- Munaasabadda  dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka socota magaalada Muqdisho.

Xafladda Dhaarinta ayaa ka dhaceysa  dugsiga  Booliiska ee Jeneraal Kaahiye.

Baarlaamaanka Maanta lagu dhaarinayo muqdisho ayaa ah Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya.

Xildhibaanada gobolada Waqooyi ayaa qaarkood wali lasoo dooran oo aysan dhicin doorashadooda sida Aqalka Sare iyo sidoo kale Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Hoose.

Munaasabada dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowladda iyo sidoo kale xubno ka socda Beesha Caalamka.

2
4