Muqdosho(INO)— Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 25 – 26 Disembar 2016-ka, iyadoo kulankan uu daba socday kulankii Madasha ee socday 15-kii illaa 24-kii bishan ayaa waxaa looga hadlay go’aan ka gaarista iyo dhameystirka arrimaha ka harsan doorashooyinka dadban ee golaha sharci dejinta qaranka
5-ta kursi ee dib doorashooyinkooda lagu celinayo ayaa waxaa ku jira hal kursi oo aanay ka mid aheyn 11-kii kursi ee horay loo laalay, waxaana Kursigan uu yahay kursiga Beesha Murusade ee lagu soo doortay Galmudug.
Sidoo kale Guddiga doorashooyinka ayaa waxay fasaxeen 7 kursi oo ka mid ahaa 11-kii kursi ee horay loo laalay oo hada laga soo reebay kaliya 4 kursi oo doorashadiisa lagu celinayo iyo hal kursi oo dheeri ah.
Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka Madasha ka soo baxay.
Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)
▪ Ka dib markii ay dhageysatay warbixinta iyo tallooyinka Guddiga Xainta Khilaafaadka kullankoodii 26 December -2016
▪ Ka baaraandegtay nuxurka iyo duruufaha heeraariyey doorashada kuraasta muranka galey
▪ Fiiro-gaar ah u yeelatay macluumaadka dheeriga ah ee laga helay xog-isweydaarsiga MHQ iyo GXKHDD
Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay
a. In 5ta kursi ee hoos ku qoran dib loogu celiyo doorasho, laguna qabto mid walba degaaan-doorashadii horey loogu soodoortay, kuwaasi oo kala ah:
1) DRD/0010/PL Ugaar Saleebaan
2) HW/0055/GM Murusade
3) HW/0094/JL Gaaljecel
4) DM/0156/KG Macallin Wayne
5) HW/0208/HSH Jidle
b. Taariikhda dib-u-doorashada kuraastaas iyo abaabulka doorashooyinka waxaa loo xilsaaray guddiyada Doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer Dawlado Goboleed;
c. 7da kursi ee kale oo ka mid ahaa 11kii kursi ee horay uu u hakiyey GXKHDD waa la fasaxay, Waxaana la farayaa Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Fderaal inay xildhibaanada kuraastan ku guuleystay ay siiyaan shahaadadooda xildhibaannimo.
d. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli dhiman ee mid walba hor yaal.