Xildhibaannada cusub ee labada Aqal oo maanta lagu dhaarinayo Muqdisho

0
181

Muqdisho(INO)— Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka 10aad uu maanta bilaabanayo.

Qaban qaabada munaasabada dhaarinta ayaa si laga dareemayay magaalada Muqdisho tan iyo maalintii shalay, waxaana Guddiga Baarlamaanka uu ku howlanaa diyaarinta munaasabadan iyo fadhigii u horeeyay ee Baarlamaanka cusub.

Waxaa lagu wadaa in la dhaariyo ku dhowaad 3oo Xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana 240 ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo 43 xildhibaan Aqalka Sare ah.

Xarunta ka dhaceysa munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub ayaa ah Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye Ex School Polizio.

Fadhiga koowaad ee Baarlamaanka ayaa lagu dooranayaa Guddoomiye KMG ah, iyadoo ninka ugu da’da weyn uu noqonayo Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka cusub.

Sidoo kale waxaa la magacaabi doona Guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, kuwaasoo iclaamin doona xilliga ay dhaceyso doorashada.

Marka uu Baarlamaanka iska dhex doorto Guddiga doorashooyinka waxaa meeshaas ku soo gaba gaboobeysa howsha Guddiga doorashooyinka dadban.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah, oo lagu gooyay dhagxaan iyo ciid, sidoo kale ciidamada ammaanka oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu arkay waddooyin ka baxsan halka ay ka dhaceyso munaasabada.